MUQDISHO – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa beeniyay wararka sheegaya in 25-kii bishan laga soo celiyay dalka Kenya, isagoo ku tilmaamay eedeymahaas kuwo “been abuur ah, aan sal iyo raad toona lahayn.”
Qoraal uu soo saaray ayuu Jibriil ku sheegay inuusan marnaba ku lug yeelan falal wax u dhimaya amniga, madaxbannaanida, xasilloonida ama wadajirka dhuleed ee Kenya iyo Soomaaliya.
“Weligey kuma lug yeelan falal wax u dhimaya amniga, madaxbannaanida, xasilloonida ama wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Kenya ama Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay inuu mar walba waajibaadkiisa dowladeed u gudanayay si waafaqsan sharciga, nabadda gobolka iyo deris-wanaagga.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Kenya ay tahay mid ka mid ah saaxiibbada iyo xulafada ugu muhiimsan ee Soomaaliya, isagoo ku ammaanay kaalinta ay ka qaadatay taageerada Soomaaliya dhinacyada amniga, gargaarka bani’aadannimo, dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo iskaashiga dhaqaale.
Jibriil Cabdirashiid ayaa sheegay inuu weli ka go’an yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isdhexgalka gobolka.
Wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay shacabka iyo warbaahinta inay ka fogaadaan faafinta warar aan la hubin.
Qoraalka Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa yimid kaddib markii warar lagu baahiyay baraha bulshada lagu sheegay in dowladda Kenya ay ka masaafurisay sababo la xiriira eedeymo amni iyo dukumentiyo la sheegay inuu si sharci darro ah ku haystay. Dowladda Kenya ilaa hadda si rasmi ah ugama aysan hadlin wararkaas.



