Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo, oo ku beegan 66-guurada ka soo wareegtay midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur iyo aas-aaskii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu Farmaajo ku sheegay in maalintan taariikhiga ah ay astaan u tahay himiladii gobannimo, midnimo iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ay xambaarsan tahay casharro qaran oo muujinaya in xorriyadda lagu gaaray isku duubni, naf-hurnimo, waddaniyad iyo himilo mideysan.
Farmaajo ayaa xusay in munaasabaddan ay ku soo beegantay xilli dalku wajahayo caqabado siyaasadeed, amni iyo duruufo kale oo halis gelin kara midnimada shacabka iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-tashiga siyaasadeed, ilaalinta dastuurka lagu heshiiyay iyo in danta guud ee qaranka laga hormariyo danaha gaarka ah.
Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka qaranka, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan dhismaha Soomaaliya nabdoon, xasilloon oo horumarsan, si loo xaqiijiyo himilooyinkii halgamayaashii u soo hooyay gobannimada dalka.




