Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 66-guurada 1-da Luulyo

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, munaasabadda 66-guurada 1-da Luulyo, oo ah maalintii ay midoobeen Gobollada Waqooyi iyo Koonfur, laguna aas-aasay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalin astaan u ah midnimada, gobannimada iyo dowladnimada Soomaaliya, isagoo xusay in xorriyadda uu dalku maanta ku naaloonayo lagu kasbaday naf-hurnimadii iyo halgankii ay sameeyeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee u soo dagaallamay xornimada iyo karaamada ummadda.

Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in inkastoo ay Soomaaliya maanta u dabaaldegeyso 66 sano oo qaranimo ah, haddana ay weli jiraan caqabado ay ka mid yihiin argagixisada iyo isku dayo lagu wiiqayo midnimada dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, midnimada iyo dib u dhiska qaranka, si loo ilaaliyo himiladii iyo dhaxalkii ay ka tageen halyeeyadii gobannimada u soo hooyay dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Alle SWT uga baryay inuu Soomaaliya ku manneysto nabad waarta, midnimo, barwaaqo iyo horumar, shacabka Soomaaliyeedna ku galladeeyo isku duubni iyo wadajir ay ku gaaraan himilooyinkooda qaran.

“Hambalyo 1-da Luulyo. Guul iyo Gobannimo Soomaaliyeed,” ayuu ku soo gabagabeeyay hambalyadiisa.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here