Muqdisho – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 66-guurada ka soo wareegtay xorriyaddii gobollada Waqooyi iyo Midowgii Koonfur ee horseeday aas-aaska Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luulyo 1960, iyagoo xusay halgankii ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen gobannimada iyo dowladnimada.
Goluhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni, sida khilaafaadka siyaasadeed, kala qaybsanaanta bulshada iyo murannada dastuuriga ah, isagoo ku eedeeyay dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud inay sii kordhisay xaaladahaas.
Warsaxaafadeedka ayaa si gaar ah diiradda u saaray xaaladda Puntland, iyadoo Goluhu sheegay inuu ka digayo faragelin iyo duullaan siyaasadeed oo lagu hayo maamulkaas. Golaha ayaa ku baaqay in laga fogaado tallaabo kasta oo hurin karta colaad cusub, isagoo xusay in Puntland ay hormuud ka tahay dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ee Daacish iyo Al-Shabaab, isla markaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo xasilloonideeda.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka inay mudnaanta siiso wada-hadal, is-afgarad iyo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay, halkii laga sii hurin lahaa khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka, Midowga Afrika, IGAD iyo dhammaan saaxiibbada Soomaaliya inay taageeraan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wadajirka iyo xasilloonida dalka, isla markaana ay ka qeyb qaataan xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed si loo ilaaliyo amniga iyo midnimada Soomaaliya.




