Mareykanka oo dib u xaqiijiyay taageerada uu u hayo Soomaaliya munaasabadda 66-guurada Xorriyadda

0

Washington – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa hambalyo u diray shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya munaasabadda 66-guurada Maalinta Qaranka, isagoo dib u xaqiijiyay taageerada Mareykanka ee dadaallada Soomaaliya ay kula dagaallameyso argagixisada, musuqmaasuqa iyo horumarinta xasilloonida dalka.

 

Qoraal uu soo saaray ayuu Rubio ku yiri: “Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Mareykanka, waxaan hambalyo u dirayaa shacabka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya munaasabadda 66-guurada Maalinta Qaranka.”

Rubio wuxuu sheegay in Mareykanku garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed halganka ay kula jiraan argagixisada iyo musuqmaasuqa, isla markaana uu taageerayo dadaallada lagu dhisayo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo leh.

Sidoo kale, wuxuu muujiyay rajada uu ka qabo in labada dal ay sii xoojiyaan iskaashigooda sannadka soo socda, isagoo sheegay inuu rajeynayo wada-shaqeyn lagu horumarinayo nabadda iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here