El-Fasher, Suudaan – Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku eedeysay Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF) inay geysteen dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo falal lagu tilmaamay nadiifin qowmiyadeed intii ay weerarrada ku hayeen magaalada El-Fasher iyo nawaaxigeeda muddadii u dhexeysay 2024 illaa 2025.
Warbixin ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in kumannaan qof oo rayid ah la dilay, la dhaawacay, la jirdilay, la xiray ama si khasab ah looga barakiciyay guryahooda, iyadoo si gaar ah loo bartilmaameedsaday deegaannada ay deggan yihiin qowmiyadda Zaghawa ee gobolka Waqooyiga Darfur.
Amnesty International ayaa sheegtay in go’doomintii RSF ay ku haysay El-Fasher laga bilaabo May 2024 ilaa Oktoobar 2025 ay sababtay xaalad bani’aadannimo oo aad u daran, iyadoo la xanibay cunno iyo gargaar bini’aadannimo, halka duqeymo joogto ah ay ka socdeen magaalada. Xaaladdaasi ayaa dhalisay macaluul, waxaana dadka deegaanka lagu qasbay inay cunaan cuntooyin aan caadi ahaan bini’aadamku cunin si ay u badbaadaan.
Warbixinta ayaa lagu saleeyay wareysiyo lala yeeshay 246 qof, oo ay ku jiraan 208 qof oo ka badbaaday colaadda, kuwaas oo bixiyay marqaatiyo ku saabsan dilal, jirdil, xarig iyo tacaddiyo kale oo ka dhacay magaalada iyo hareeraheeda.
Haweeney 58 jir ah oo ka badbaaday weerarrada ayaa Amnesty u sheegtay inay aragtay ku dhawaad 1,000 meyd oo yaallay magaalada, kuwaas oo ay ku jireen carruur badan.
Amnesty International ayaa ugu baaqday bulshada caalamka inay si degdeg ah u meel mariyaan xabbad-joojin qaran, isla markaana Suudaan loo diro ciidamo caalami ah oo madax-bannaan si loo ilaaliyo shacabka rayidka ah loogana hortago xadgudubyada ay geysanayaan dhinacyada ku dagaallamaya dalka.
Suudaan ayaa dagaal sokeeye uu ka socdaa tan iyo bishii Abriil 2023, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo RSF. Colaadda ayaa sababtay dhimashada tobannaan kun oo qof iyo barakaca malaayiin kale, iyadoo lagu tilmaamay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran dunida maanta.




