Jubba – Magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ayaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusay 66-guuradii ka soo wareegtay xorriyaddii iyo midowgii Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Koonfurta Suudaan, oo ay ku jirtay Marwo Adut Salva Kiir, safiirro iyo diblomaasiyiin ku sugan Jubba, iyo marti sharaf kale.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Koonfurta Suudaan ayaa door muuqda ka qaadatay qabanqaabada iyo qabsoomidda munaasabadda, iyagoo si wadajir ah u xusay toddobaadka xorriyadda Soomaaliya.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa munaasabadda uga mahadceliyay dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay qabanqaabinteeda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xuska maalmaha qaran ee Soomaaliya iyo doorka ay jaaliyaddu ku leedahay adkeynta midnimada iyo waddaniyadda.
Safiirku wuxuu sidoo kale hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo ku boorriyay inay sii xoojiyaan wadajirka iyo ilaalinta qiyamka qarannimada iyo dowladnimada Soomaaliya.






