MUQDISHO – Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu wargelisay Midowga Afrika inay joojin doonto taageerada ay siiso Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), marka uu dhammaado muddada howlgalka AUSSOM ee 31-ka December 2026.
Go’aankan adag ayay Washington ku sababeysay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareysatay inay horumar muuqda ka sameyso dagaalka Al-Shabaab, isla markaana ay la wareegto mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo muddo ka badan toban sano helaysay taageero caalami ah oo hagar-la’aan ah.
Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026, ayaa lagu caddaynayaa in Washington aysan taageeri doonin cusboonaysiinta muddo-xileedka UNSOS, ama nooc kasta oo taageero saadka iyo howlgalka ah oo ay Qaramada Midoobay siiso AUSSOM wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan. Mareykanka wuxuu caddeeyay inuusan diidaneyn in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kordhiyo waajibaadka AUSSOM, haddii uu Midowga Afrika doonayo inuu sii wado howlgalka, balse wuxuu hoosta ka xariiqay inuusan marnaba bixin doonin dhaqaalaha ku baxa taageerada UNSOS.
Qoraalka rasmiga ah ee ka soo baxay Mareykanka waxaa sidoo kale lagu xusay in khilaafaadka siyaasadeed, dib u dhacaya doorashadda iyo loollanka gudaha dalka ka jira ay si weyn u wiiqeen dagaalkii ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, taasna ay keentay in horumarka dhanka amniga ah uu noqdo mid aad u xaddidan.
Mareykanka wuxuu sheegay in tan iyo sanadkii 2007 uu bixiyay ku dhowaad $2 bilyan oo dollar oo lagu taageeray UNSOS iyo howlgalkii ka horreeyay ee AMISOM/ATMIS, $1.6 bilyan oo gargaar toos ah oo la siiyay dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, boqolaal milyan oo dollar oo lagu maalgeliyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, iyo balaayiin kale oo loo xorreeyay gargaarka bani’aadamnimo iyo mashaariicda horumarineed.
Inkastoo uu joojinayo taageerada, Mareykanka wuxuu sheegay inuu sii wadi doono iskaashiga tooska ah ee dhanka amniga ee uu la leeyahay dowladda Soomaaliya, oo iska kaashanaya kahortagga khataraha amni ee ka iman kara Al-Shabaab iyo Daacish. Ugu dambeyntii, dowladda Mareykanka waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada, iyo dhammaan qeybaha bulshada inay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan la-dagaallanka argagixisada, si loo sugo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.




