Muqdisho – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegay inay fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dilay siddeed xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo ay ku jireen horjoogeyaal.
War-saxaafadeed ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in bartilmaameedka howlgalka uu ahaa goob ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku shirayeen oo ku taalla hareeraha jiinka webiga ee duleedka Basra.
Hay’addu waxay sheegtay in howlgalka lagu dilay horjoogihii kooxda u qaabilsanaa miinooyinka iyo horjoogihii kooxda fulin jirtay weerarrada hoobiyeyaasha nooca 107mm, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Eybka Caalim (Daqare), iyo lix xubnood oo kale oo la socday.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, howlgalka ayaa dhabar-jab weyn ku noqday shabakaddii Al-Shabaab u qaabilsaneyd qorsheynta iyo fulinta weerarrada hoobiyeyaasha.
NISA ayaa sidoo kale sheegtay in xog sirdoon ay heshay ay muujineyso in Al-Shabaab ay goobta ka qaadeen meydadka horjoogeyaashii lagu dilay howlgalka, isla markaana si qarsoodi ah ugu aaseen deegaan kale.
Hay’addu waxay xustay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howlgalada lagu beegsanayo Al-Shabaab, si loo wiiqo awoodda kooxda loogana hortago weerarrada ay qorsheynayaan.




