Muqdisho – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Farsoleey ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 20 kale lagu dhaawacay, sida lagu sheegay warbixinnada hordhaca ah.
Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay xarumo iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka, qorsheynta iyo diyaarinta falalka amni-darrada, taas oo lagu tilmaamay inay qeyb ka tahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay howlgallada joogtada ah ee lagu beegsanayo Al-Shabaab, iyadoo la xoojinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada ay ka socdaan hawlgallada.
Ugu dambeyn, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa adkeeyay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka iyo amniga dalka.




