Garowe – Dowladda gobolleedka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku caddeyneyso in ay leedahay awoodda dastuuriga ah ee maamulka, ilaalinta, iyo ka faa’iidaysiga khayraadka ku jira dhulka iyo badda deegaannadeeda.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in Puntland ay ku tiirsan tahay Dastuurka Puntland iyo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Federaalka Soomaaliya, ayna si gaar ah u xaqiijineyso xuquuqdeeda la xiriirta kheyraadka dabiiciga ah ee ku yaalla xuduudaha maamulka.
Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ka hadashay isku dayo ay sheegtay in ay sameeyeen shabakado ganacsi oo Soomaali iyo Turki ah, kuwaas oo la xiriira howlaha khayraadka, iyadoo si cad u sheegtay in shirkad ama hay’ad shisheeye oo ay ku jirto shirkadda SOMTURK aanay ka shaqeyn karin dhulka ama badda Puntland iyada oo aan oggolaansho rasmi ah ka helin maamulka.
Puntland ayaa ku adkeysatay in ay tallaabo ka qaadi doonto isku day kasta oo aan waafaqsanayn shuruucda iyo nidaamka oggolaanshaha, iyadoo sheegtay in ay fulin doonto baaritaanno, dabagal iyo kormeer dhameystiran si loo ilaaliyo sharciga iyo amniga xeebaha.
Sidoo kale, Puntland waxay carrabka ku adkeysay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan awood sharci ah u lahayn bixinta heshiisyo ama rukhsado la xiriira khayraadka Puntland, haddii aan laga wada-tashan laguna heshiin si waafaqsan nidaamka Federaalka.





