Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub oo Booqasho iyo Sagootin ugu Timid Muqdisho

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, oo booqasho sagootin ah ugu timid dalka, iyadoo soo gabagabeyneysa muddo xileedkeedii diblomaasiyadeed.

 

Wasiirka ayaa ku ammaanay Safiirka shaqadii iyo doorkii ay ka soo qabatay Soomaaliya muddadii ay xilka haysay, isagoo uga mahadceliyay xiriirka dhow iyo iskaashiga ay la sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ugu hambalyeeyay magacaabisteeda cusub ee Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Adeegga Hawlaha Dibadda ee Midowga Yurub (EEAS), isagoo u rajeeyay guul iyo horumar xilka cusub ee ay la wareegayso.

Dhanka kale, Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga, iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.

Labada dhinac ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iyo xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyagoo muujiyay diyaar garow ku aaddan horumarinta xiriirka labada dhinac mustaqbalka.May be an image of one or more people, newsroom, the Oval Office, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here