Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Kumanaan Ciidan Kusoo Bandhigtay Degmada Ceeldheer

0

Ceeldheer, Galgaduud – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

 

Kormeerkan ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladda Federaalka Soomaaliya sii xoojineyso howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo degmada Ceeldheer lagu soo bandhigay kumanaan ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo diyaar u ah ka qeybgalka howlgalada lagu ciribtirayo kooxdaas.

Masuuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada hoggaaminaysa, waxayna warbixinno ka dhageysteen xaaladda amniga, horumarka howlgalada socda iyo baahiyaha jira, si loo sii dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada gobolka.

“Waxaan halkan u nimid inaan aragno sida aad ugu diyaarsan tihiin dagaalka lagu ciribtirayo cadowga Al-Shabaab, si looga saaro guud ahaan dalka,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ku sugan furimaha hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda ku aaddan difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgalada lagu xoreynayo deegaannada ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab, iyadoo ciidamada qarankana lagu qalabeynayo awood iyo taageero dheeraad ah.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here