MUQDISHO – Dekedda hawada sare ee cusub ee Turkiga oo labanlaab ah ayaa la sheegay in ay sidoo kale noqon karto goob gantaallo, taasoo dhalin karta khatar ka dhan ah Israa’iil.
Xaruntan waxaa la sheegay in loogu talagalay in ay ku habboonaato nidaamyo gaari kara masaafo dhan ilaa 2,000 km, taasoo Israa’iil ka dhigaysa meel aan si fudud loo gaari karin. Sidoo kale, Somaliland, oo ay taageerto Israa’iil, waxay ku jirtaa masaafada la saadaaliyay.
Turkiga ayaa horumarinaya goob gantaallo iyo tijaabooyin hawada sare ah oo laga rido bartamaha Soomaaliya, taasoo isku daraysa saldhig dayax-gacmeed iyo goob lagu tijaabiyo gantaallada ballistic-ga ee riddada dheer, sida lagu sheegay warbixin ay Arbacadii daabacday warbaahinta Faransiiska ee Le Monde.
Si rasmi ah ayaa mashruucan loogu dhawaaqay Disembar 2025, iyadoo loo soo bandhigay iskaashi tignoolajiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Dekeddan hawada sare ayaa lagu tilmaamay lakabka ugu muhiimsan ee mashruuc muddo toban sano ah socday oo Soomaaliya loogu beddelayo saldhig hawlgal oo istiraatiiji ah.
Dhismaha dekeddan hawada sare waxaa lagu sheegay inuu ka dhashay 15 sano oo maalgashi siyaasadeed, militari iyo dhaqaale ah oo uu sameeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, taasoo Turkiga u oggolaanaysa inuu ballaariyo awooddiisa gantaallada ballistic-ga.
Bartamihii Oktoobar 2025, Turkiga ayaa bilaabay shaqada saldhiggan oo ku yaalla duleedka Warsheekh, oo qiyaastii 70 km waqooyi ka xiga Muqdisho, sida ay qortay Le Monde. Wax yar kadib bilaabista dhismaha, Erdoğan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo la xiriira hawada sare, kaasoo lagu tilmaamay tallaabo cusub oo lagu sii xoojinayo iskaashiga labada dal.
Warbixin kale oo ay soo saartay Madasha Bariga Dhexe bishii May ayaa lagu sheegay in xaruntan tijaabada gantaallada ay saameyn ballaaran ku yeelan karto isku dheelitirka militari ee Bariga Dhexe iyo Afrika, iyadoo gaar ahaan saameyn ku yeelan karta Israa’iil.
Inkasta oo warbixinadu ay tilmaamayaan in xaruntan loogu talagalay nidaamyo gaari kara ilaa 2,000 km oo kaliya, haddana awooddan waxaa lagu sheegay in ay beddeli karto xisaabta istiraatiijiyadeed ee gobolka. Bilihii la soo dhaafay waxaa sidoo kale kordhay hadallo siyaasadeed oo u dhexeeya Turkiga iyo Israa’iil, iyadoo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu marar badan muujiyay mowqif adag oo ka dhan ah Israa’iil, gaar ahaan arrimaha Falastiin.
Bishii la soo dhaafay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale ka hadlay xiisadaha Turkiga iyo Israa’iil, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dhinac uu xumaaday, inkastoo uu sheegay in dadaallo lagu doonayo in xiisadda lagu yareeyo. Hadallada adag ee Erdoğan ee ka dhanka ah Israa’iil ayaa loo arkaa qayb ka mid ah siyaasaddiisa dibadda ee uu ku doonayo in Turkiga uu ku muujiyo taageerada xuquuqda Falastiin.



