Baydhabo – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga Guddoomiyaha ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Guduud waxaa ku qaabilay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo soo dhoweynta ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, saraakiil sare iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Safarka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la xiriira ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo dhawaan dib loogu doortay xilka hoggaaminta maamulkaasi.
Ka qeybgalka munaasabaddan ayaa muujinaya xoojinta xiriirka, wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka, iyadoo la adkeynayo midnimada, dowlad-dhiska iyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada shacabka Soomaaliyeed.





