Seattle, Mareykanka – Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Seattle ee dalka Mareykanka, ayaa maanta booqday Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada SeaTac, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay Duqa Magaalada SeaTac, Mudane Maxamed Cigaal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha, is-weydaarsiga khibradaha maamulka, horumarinta dekedaha, iyo abuurista fursado cusub oo iskaashi oo faa’iido u leh Dekedda Muqdisho iyo hay’adaha gobolka Seattle.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeyn waarta oo lagu kobcinayo maamulka dekedaha, kor loogu qaadayo adeegyada, isla markaana looga faa’iideysan lahaa khibradaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee dhinaca dekedaha.




