Baydhabo – Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo ay weheliyaan wafdi xildhibaano ah, ayaa gaaray magaalada Baydhabo oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Baydhabo ku soo dhoweeyay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyadoo ay soo dhoweynta ka qeyb galeen wasiirro, xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Mas’uuliyiintan sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa magaalada Baydhabo uga qeyb geli doona munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo la filayo inay maalmaha soo socda ka dhacdo magaalada.
Ka qeybgalka madaxda Baarlamaanka Federaalka ee munaasabaddan ayaa muujinaya taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo adkeynta xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka.




