Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali (Dhaay), ayaa wada hadal dhinaca taleefanka ah la yeeshay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faysal bin Farxaan Al Sacuud.
Intii uu socday wada hadalka, labada wasiir ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim u ah labada dal iyo gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa mar kale caddeeyay taageerada joogtada ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya u hayso madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo gobannimada siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga badaha caalamiga ah iyo xaqiijinta xorriyadda isu socodka maraakiibta, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay iskaashi dhow oo lagu xoojinayo xasilloonida iyo amniga gobolka.




