Muqdisho – Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u diidday warbixin ay dhowaan soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) oo ka hadlaysay xaaladda dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo ku eedeysay warbixinta inay bixisay sawir aan dheellitirnayn oo si qaldan u fasiraya ololaha dowladda ee la dagaallanka argagixisada.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in warbixinta, oo la daabacay 30-kii Juun, ay ka buuxaan khaladaad xaqiiqo ah, isla markaana ay si dadban u muujinayso Al-Shabaab inay noqotay koox ka masuul badan dhinaca shacabka, arrintaas oo ay dowladda ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn xaqiiqada ka jirta dalka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in sawirka lagu bixiyay warbixinta uu meel ka dhac ku yahay kumannaan Soomaali ah oo ay Al-Shabaab dishay, dhaawacday, barakicisay ama cabsi gelisay, kuwaas oo ay ku jiraan askarta, odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo carruurta.
Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa caddeysay in hoos u dhaca awoodda Al-Shabaab ee ku aaddan cabsi gelinta shacabka, ururinta baadda iyo dhaqdhaqaaqyadeeda uu ka dhashay howlgalada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iska caabbinta bulshooyinka deegaanka iyo taageerada saaxiibbada caalamiga ah, halkii uu ka ahaan lahaa isbeddel ku yimid hab-dhaqanka kooxda.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in warbixintu ay iska indha-tirtay naf-hurnimada iyo guulaha ciidamada ammaanka Soomaaliyeed, kuwaas oo dowladda sheegtay inay dib u qabsadeen deegaanno badan, burburiyeen shabakado Al-Shabaab, dileen horjoogeyaal sare, isla markaana xaddideen dhaqdhaqaaqyada kooxda.
Wasaaradda ayaa walaac ka muujisay falanqayn kasta oo, sida ay sheegtay, Al-Shabaab u muujinaysa si ka duwan xaqiiqada, iyadoo ka digtay in arrintaasi ay xoojin karto dacaayadaha kooxda isla markaana dhaawici karto dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday hay’adaha cilmi-baarista iyo kuwa falanqeeya arrimaha amniga inay soo saaraan warbixinno ku saleysan xaqiiqooyin sugan oo dheellitiran, si aysan si kama’ ah u siin sharciyad ama kalsooni kooxaha argagixisada.
Dowladdu waxay mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab, iyadoo ammaan u jeedisay Ciidanka Xoogga Dalka, hay’adaha ammaanka, bulshada Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamiga ah doorka ay ka qaadanayaan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.




