Garoonka Berbera oo loo beddelayo saldhig militari oo ku loolamaan qubadaha gobolka

0

BERBERA – Wargayska caanka ah ee Le Monde ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in dhismaha militari, oo qarsoodi ah uu ka socdo garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

 

Garoonkan oo markii hore ahaa mid ay ku degaan duulimaadyada rayidka, ayaa hadda loo beddelayaa xarun militari oo ay fariin ka dhigan doonaan ciidamo ka socda Imaaraadka Israel iyo Mareykanka oo doonaya inay saameyn ku yeeshaan badda cas iyo gacanka Baabul Mandab.

Baaritaan la sameeyay iyo sawirro lagu qaaday dayax-gacmeedka intii u dhaxeysay Oktoobar 2025 ilaa Maarso 2026, ayaa muujiyey in ugu yaraan 18 god oo waaweyn laga qoday koonfurta dhabaha diyaaraduhu ku ordain ee Run-wayga. Ilo wareedyo dhanka amniga ah oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in goobahan loo qaabeeyey si ay u noqdaan bakhaaro dhulka hoostiisa ah oo loogu talagalay hubka iyo shidaalka in lagu keydiyo, si ay uga badbaadaan duqeymaha cirka, uga imaan kara Xuutiyiinta Yemen, iyadoo sidoo kale halkaas laga dhisay dhufeysyo iyo goobo loo diyaariyey gantaalaha difaaca cirka.

Warbixintu waxay xustay in dhismahan ay fulisay dowladda Imaaraadka Carabta oo ka faa’iideysaneysa heshiiskii difaaca ee ay Somaliland la gashay sanadkii 2017, laakiin wargayska wuxuu intaas ku daray in Imaaraadku uu shaqadan u qabanayo Mareykanka iyo Israaiil.

Waxaa kale oo la sheegay in saraakiil ka tirsan sirdoonka Somaliland ay si qarsoodi ah u tageen magaalada Tel Aviv ee caasimada Israaiil si loo soo tababaro, halka saraakiil sirdoon oo Israaiili ahna lagu arkay magaalada Berbera. Tani waxay sii xoojisay warbixin hore oo ay baahisay Africa Intelligence, oo sheegtay in saraakiil amni oo Israaiil ay bilooyin ku sugnaayeen Somaliland, dhowr toddobaad ka hor intii aysan Israaiil si rasmi ah u aqoonsan Somaliland bishii Diseembar 2025.

Aqoonsigii Israaiil ee Somaliland wuxuu dhaliyey caro weyn iyo cambaareyn caalami ah oo ka timid dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo dhowr waddan oo saameyn leh sida Turkiga, Masar, iyo Sacuudiga. In kasta oo madaxda Hargeysa ay beeniyeen in Israaiil laga siinayo saldhig militari, haddana Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro, ayaa dhawaan sheegay inaysan jirin wax miiska laga qaaday, taas oo muujinaysa in ay u furan yihiin iskaashi kasta oo dhanka difaaca ah.

Ugu dambeyntii, garoonka Berbera wuxuu ku yaallaa meel istiraatiiji ah oo si toos ah u wajahda dalka Yemen, wuxuuna saaran yahay marinka caalamiga ah ee Badda Cas, taas oo u oggolaanaysa in si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo kooxda Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iiraan. Garoonka Berbera wuxuu leeyahay mid ka mid ah dhabbooyinka diyaaraduhu ku ordaan ee ugu dheer Geeska Afrika, waxaana la rumeysan yahay in militariga Israaiil ay u arkaan goob ay ka fulin karaan hawlgallada dhanka Yemen ah, taas oo ka dhigaysa Berbera xuddunta cusub ee loolanka awoodda iyo amniga ee marinka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gubaalka Cadmeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here