Galgaduud – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan deegaanka Mesagaway ee gobolka Galgaduud.
Wasiir Fiqi ayaa ciidamada ku bogaadiyay geesinimada, naf-hurnimada iyo doorka ay ka qaadanayaan difaaca dalka, ilaalinta shacabka iyo howlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab. Wuxuu ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibaaraan dadaallada lagu dardargelinayo howlgalada ka dhanka ah argagixisada, isla markaana ay xoojiyaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha nabad-diidka ah.
Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ka go’an tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo sii wadista howlgalada lagu xoreynayo deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Intii ay ku sii jeedeen deegaanka Mesagaway, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale maray deegaanka Howlcaduur, halkaas oo ay kula kulmeen qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.
Masuuliyiinta ayaa uga mahadceliyay shacabka garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qalabka Sida iyo kaalinta ay ka qaadanayaan dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab. Booqashadan ayaa ku soo aadeysa xilli ay dowladda Soomaaliya sii waddo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale ay jiraan walaacyo laga muujinayo mustaqbalka taageerada caalamiga ah ee howlgalka Midowga Afrika ee taageeraya amniga Soomaaliya (AUSSOM).





