Danjiraha Talyaaniga oo Booqday Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

0

Muqdisho – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi, iyadoo ay labada dhinac yeesheen kulan looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

 

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ugu horreyn si wadajir ah u booqday Xarunta Tiyaatarka Qaranka, Waaxyaha Warbaahinta Dowladda iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho, halkaas oo ay ku soo indha-indheeyeen howlaha maalinlaha ah ee ay hay’adahaasi u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka kaddib, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada warbaahinta, warfaafinta, dhaqanka, dalxiiska, tababarrada xirfadeed iyo kobcinta awoodda hay’adaha Wasaaradda Warfaafinta. Waxa kale oo ay isla soo qaadeen sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha warbaahinta ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, dib loogu soo noolayn lahaa barnaamijyada luuqadda Talyaaniga ee Radio Muqdisho, loona xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada filimada iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Wasiir Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.

Dhankiisa, Danjire Pier Mario Daccò Coppi ayaa xaqiijiyay sida Dowladda Talyaanigu uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo muujiyay diyaar u ahaanshaha ballaarinta wada-shaqeynta dhinacyada warbaahinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad lagu sii xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo la isla qaatay hirgelinta mashaariic wadajir ah oo lagu horumarinayo warbaahinta, laguna kobcinayo awoodda hay’adaha dowladda, si loo sii adkeeyo xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here