Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiinka Soomaaliyeed kala qeyb galay salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, oo dhowaan geeriyooday.
Madaxweynaha ayaa sheegay in marxuumku uu door muuqda ku lahaa dib u heshiisiinta iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed, xoojinta dowladnimada iyo dadaallada nabad-dhiska ee dalka, isaga oo xusay in dhaxalka wanaagsan ee uu ka tagay uu sii ahaan doono mid ay bulshada Soomaaliyeed si weyn u xusuusan doonto.
“Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf Cali wuxuu ahaa shaqsi kaalin weyn ka qaatay isku soo dhawaanshaha bulshada, nabadeynta iyo taageeridda dowladnimada Soomaaliya. Waxqabadkiisa iyo raadkiisa wanaagsan ayaa sii jiri doona,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah tiiraanyada iyo dareenka tacsida ula wadaagay ehellada iyo qaraabada marxuumka, isagoo Alle uga baryay inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, duubabka dhaqanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Mas’uuliyiin, culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galay salaadda Janaasada, iyagoo xusay kaalintii wax-ku-oolka ahayd ee uu Imaam Maxamed Yuusuf Cali ku lahaa arrimaha diinta, bulshada iyo nabadeynta dalka.




