Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daahfurtay mashruuc caalami ah oo qiimihiisu yahay $12 milyan, kaas oo lagu xoojinayo adkeysiga magaalooyinka ee isbeddelka cimilada, hase yeeshee deegaannada uu ka arrimiyo Maamulka Waqooyi Bari kuma jiraan goobaha laga hirgelinayo mashruuca.
Mashruuca oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kaashanayso UNDP iyo Global Environment Facility (GEF), isla markaana socon doona inta u dhaxaysa 2026 illaa 2030, ayaa laga fulin doonaa 17 magaalo oo ku kala yaalla Gobolka Banaadir, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Somaliland.
Magaalooyinka la doortay waxaa ka mid ah Muqdisho, Garowe, Galkacyo, Boosaaso, Hargeysa, Burco, Berbera, Boorama, Dhuusamareeb, Hobyo, Koonfurta Galkacyo, Beledweyne, Jowhar, Baydhabo, Xudur, Kismaayo iyo Garbahaarey.
Sida lagu sheegay xogta mashruuca, in ka badan 850,000 oo qof ayaa si toos ah uga faa’iideysan doona, iyadoo la hirgelin doono mashaariic la xiriira maaraynta biyaha, ka hortagga fatahaadaha, dib-u-soo-celinta deegaanka, qorsheynta magaalooyinka iyo taag



