Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Afar Waddo oo Laami ah oo laga Hirgelinayo Degmada Hodan

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuca dhismaha afar waddo oo laami ah oo laga hirgelinayo degmada Hodan, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-casriyeynta waddooyinka iyo kor-u-qaadidda bilicda caasimadda.

 

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siinayo hirgelinta mashaariicda lagu tayeynayo waddooyinka, bullaacadaha iyo adeegyada kale ee aas-aasiga u ah bulshada. Waxa uu xusay in mashruucan uu wax weyn ka tari doono fududeynta isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha, sare u qaadidda tayada adeegyada bulshada, iyo horumarinta kaabayaasha casriga ah ee taageeraya koboca dhaqaale ee degmada Hodan iyo guud ahaan magaalada Muqdisho.

Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sidoo kale faray shirkadaha bixiya adeegyada bulshada in aysan dib u dhigin ama carqaladeyn fulinta mashruuca, isagoo ku adkeeyay inay si buuxda ula shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir si mashaariicda horumarineed loogu hirgeliyo waqtigii loogu talagalay.

Duqa Muqdisho ayaa carrabka ku adkeeyay in wada shaqeynta hay’adaha iyo ilaalinta danta guud ay muhiim u tahay dardargelinta horumarka caasimadda, isla markaana ay qeyb ka tahay qorshaha lagu casriyeynayo Muqdisho iyo kor u qaadidda bilicdeeda.May be an image of one or more people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here