Puntland oo Qabatay Shirweynaha Xoojinta Wadashaqeynta iyo Maamul Daadajinta Hay’adaha Dowladda

0

Garoowe – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Shirweynaha Xoojinta Wadashaqeynta iyo Maamul Daadajinta Hay’adaha Dowladda Puntland, kaas oo diiradda lagu saarayo dardargelinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo horumarinta maamulka.

 

Madaxweynaha waxaa shirka ku weheliyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland, Mudane Xasan Yuusuf Nuur. Shirkan oo ay ka qeyb galayaan goleyaasha dowladda Puntland, hay’adaha kala duwan ee dowladda, masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, iyo Taliska Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa looga hadlayaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo hirgelinta maamul daadajinta.

Intii uu socday shirka, Hanti-dhowrka Guud, wasaaradaha, Taliska Booliiska iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan heerka wada shaqeynta dowladda iyo horumarka laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Waxa kale oo ay soo bandhigeen baahiyaha ka jira deegaannada iyo talooyin ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland. Muddooyinkii u dambeeyay waxaa magaalada Garoowe ka socday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadeen masuuliyiin mucaarad ah oo ku sugan halkaas, kuwaas oo maamulka Puntland ku eedeeyay inay taageero ka helayaan Villa Soomaaliya, arrintaas oo sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here