Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarigga Ka Jaray Taliska Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarigga ka jaray mashruuca dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaaran oo lagu sameeyay Taliska Guutada Ilaalada Madaxtooyada iyo Madaxda Qaranka ee 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa kormeer ku soo maray qeybaha kala duwan ee dib loo dhisay, kuwaas oo ay ka mid yihiin xafiisyada Taliska Guutada, talisyada ururrada, isbitaalka, xabsiga iyo masaajidka Guutada. Waxa uu bogaadiyay tayada dib-u-dhiska iyo casriyeynta lagu sameeyay xarumahaasi, isagoo xusay in ay sare u qaadayaan hannaanka shaqo iyo adeegyada ay bixiyaan ciidamada Guutada.

Intii uu kormeerka ku jiray, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqday goob lagu maamuusay xusuusta saraakiishii iyo askartii Guutada 77-aad ee ku shahiiday dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Waxa kale oo uu booqday masaajidka Taliska Guutada oo loogu magac daray Halyeey Maxamed Xayle, oo ku shahiiday dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, taas oo uu ku tilmaamay astaan lagu muujinayo qaddarinta geesiyaasha naftooda u huray difaaca qaranka.

Gabagabadii, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Taliska iyo ciidamada Guutada 77-aad sida ay u gudanayaan waajibaadka qaran ee ka saaran sugidda amniga Madaxtooyada iyo ilaalinta madaxda qaranka, isagoo xusay in ay si hufan u maareeyeen mas’uuliyaddaas tan iyo markii ay kala wareegeen ciidamadii hore ee ATMIS ee masuulka ka ahaa amniga goobahaas.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, chess and text that says "GUUTADA 71 MP ILALADA MADAXTOYADA YADA QARANKA 0 LIEMM"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here