Nouakchott, Mauritania – Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Muwaadiniinta Mauritania ee Dibadda, Mudane Maxamed Saalim Marzuuq, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mauritania.
Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya, ahna Danjiraha aan deggeneyn ee Mauritania, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego). Labada dhinac ayaa kulanka kaddib kala saxiixday saddex heshiis is-afgarad (MoU) oo muhiim u ah xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mauritania.
Heshiisyada ayaa diiradda saaraya iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, kalluumeysiga, batroolka iyo macdanta, iyo sidoo kale horumarinta waxbarashada, iyadoo la qorsheynayo in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta iyo fulinta mashaariicda la xiriira qeybahaas.
Kulankan iyo heshiisyada la saxiixay ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania.




