Xilwareejin ka dhacday Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Morocco

0

Rabat, Morocco – Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Rabat ayaa lagu qabtay munaasabad xilwareejin ah, taas oo Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Boqortooyada Morocco, Danjire Salaad Cali Ibraahim (Catoosh), uu si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Siihayaha Safaaradda ahna Lataliyaha Koowaad, Mudane Cabdifataax Siciid Caynab.

 

Intii ay munaasabaddu socotay, Danjire Salaad Cali Ibraahim ayaa uga mahadceliyay diblomaasiyiinta iyo dhammaan howl-wadeennada Safaaradda wada-shaqeyntii iyo taageeradii ay la garab istaageen muddadii uu xilka hayay. Waxa uu u rajeeyay Siihayaha cusub iyo guud ahaan bahda Safaaradda guul iyo inay sii laba jibbaaraan gudashada waajibaadka qaran.

Dhankiisa, Siihayaha Safaaradda, Cabdifataax Siciid Caynab, ayaa uga mahadceliyay Danjirihii hore dadaalkii iyo waxqabadkii uu muujiyay muddadii uu hoggaaminayay Safaaradda, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar mustaqbalka.

Waxa uu sidoo kale caddeeyay inuu sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo shaqada Safaaradda, isaga oo kaashanaya diblomaasiyiinta iyo howl-wadeennada, si loo sii xoojiyo adeegyada iyo matalaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Morocco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here