Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug oo gaaray Caabudwaaq si ay u qiimeeyaan xaaladda bani’aadannimo

0

Caabudwaaq, Galgaduud – Xildhibaanad Reys Qorane Abshir Aadam oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawi), ayaa booqasho shaqo ku gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

 

Ujeeddada safarka wafdiga ayaa ahayd qiimeynta xaaladda bani’aadannimo iyo baahiyaha mudnaanta leh ee ka jira degmada, si loo dardargeliyo gurmadka iyo taageerada la gaarsiinayo bulshada deegaanka. Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Caabudwaaq, iyadoo munaasabadda soo dhoweynta ay ka hadleen Guddoomiyaha degmada, Guddoomiyaha Ururka Haweenka iyo qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka. Mas’uuliyiintaasi waxay adkeeyeen muhiimadda booqashadu u leedahay bulshada, iyagoo rajo ka muujiyay inay horseedi doonto gurmad iyo taageero dheeraad ah.

Mas’uuliyiinta wafdiga hoggaaminayay ayaa sheegay in safarkoodu salka ku hayo qiimeyn dhab ah oo lagu ogaanayo xaaladda bani’aadannimo ee deegaanka, si loo qorsheeyo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo gargaarka iyo taageerada loo fidinayo dadka ay saameeyeen duruufaha bani’aadannimo.May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here