MUQDISHO – Hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in lagu qabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, kaas oo ka dhacay deegaan u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, howlgalka ayaa laga fuliyay deegaanka Baqdaad oo qiyaastii 42 kiiloomitir u jira Hoosingow, kana tirsan aagga loo yaqaan Sub Sector Central ee dhanka xadka Kenya. Wararka ayaa tilmaamaya in hoggaamiyaha Al-Shabaab lagu qabtay isagoo nool, halka saddex xubnood oo kale oo ka tirsanaa kooxda lagu dilay intii uu socday howlgalka.
Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya nin la rumeysan yahay inuu yahay hoggaamiyaha la qabtay, isagoo jilba jooga isla markaana gacmaha laga xiray. Ilo amni ayaa sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay ku sii jeedeen gudaha Kenya markii ciidamada ay u dhigeen weerar gaadmo ah, xilli la rumeysan yahay inay ku dhowaayeen inay ka gudbaan xadka.
Ciidamada ayaa howlgalka ku qabtay qori nooca AK ah, qalab ciidan, dhowr taleefan oo gacanta ah iyo dukumiintiyo la rumeysan yahay inay la xiriiraan Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya ay ku xoojinayaan la dagaallanka Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada ku dhow xadka labada dal.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa aaminsan in qabashada hoggaamiyahan ay gacan ka geysan karto helitaanka xog sirdoon oo muhiim ah oo ku saabsan qorshayaasha iyo shabakadaha Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sannadihii la soo dhaafay weerarro ka geysanaysay Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo Kenya ay sare u qaaday tallaabooyinka amniga ee xadka, isla markaana ciidamada difaaca dalkaas (KDF) ay si joogto ah uga howlgalaan aagga xuduudda.




