Dhuusamareeb – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hoggaaminaya kooxda ololaha doorashada muharaxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeed JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaanka dhalinyarada Galmudug.
Kulankaan oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa Wasiir Al-Cadaala wuxuu dhalinyarada la wadaagay sidii ay qayb uga noqon lahaayeen dardar-galinta doorashada Galmudug, isagoo ka codsaday inay codkooda siiyaan Urur Siyaasadeedka JSP.
Wasiirka ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in Musharax Liibaan Axmed Xasan uu yahay xilligaan qofka ugu haboon ee Galmudug hoggaan u noqon kara, maadaama uu si wanaagsan u garanayo baahiyaha ka jira deegaanka, isla markaana aqoonstiisa iyo kartidiisa uu Urur Siyaasadeedku ku soo xushay.
Dhankooda, dhallinyarada ayaa si diiran u soo dhaweeyay codsiga Wasiir Al-Cadaala, iyagoo balanqaaday in ay si buuxda uga qayb qaadan doonaan doorashada, isla markaana ay codkooda sii doonaan Urur Siyaasadeedka JSP. Galmudug waxaa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada doorashada qofka iyo codka ah, taas oo la filayo in ay dhamaadka bishaan ka qabsoonto deegaanada Galmudug.




