Muqdisho – Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in falalkasta oo ka dhanka ah Mareykanka ay waxyeello u geysanayaan xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo xustay taageerada ballaaran ee Washington ay muddo dheer siineysay Soomaaliya.
Safaaraddu waxay sheegtay in Mareykanku Soomaaliya ku taageeray gargaar dhan balaayiin doolar oo laga bixiyay canshuuraha shacabka Mareykanka, kaas oo qeyb weyn ka qaatay horumarinta dalka iyo taageeridda shacabka Soomaaliyeed.
Waxay sidoo kale tilmaantay in taageerada ugu muhiimsan ay tahay kaalinta joogtada ah ee Mareykanku ku leeyahay la-dagaallanka kooxaha argagixisada ee khatarta ku ah amniga Mareykanka isla markaana si toos ah u bartilmaameedsada shacabka Soomaaliyeed. Safaaradda Mareykanka ayaa carrabka ku adkeysay in iskaashiga labada dal uu ku saleysan yahay amniga, xasilloonida iyo danaha wadajirka ah, iyadoo xustay in falalka lidka ku ah Mareykanka ay wiiqi karaan xiriirkaas iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu taageerayo Soomaaliya.




