Islamabad – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS oo kulan doceed kula yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Türkiye magaalada Islamabad
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS, H.E. Amb. Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Islamabad ee dalka Pakistan kulan doceed kula yeelatay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Türkiye, H.E. Marwo Mahinur Özdemir Göktaş. Kulankan ayaa ka dhacay intii lagu guda jiray Shirka Arrimaha Haweenka ee dalalka Islaamka, kaas oo ka socda magaalada Islamabad, iyadoo labada Wasiir ay qayb ka yihiin madaxda iyo wufuudda heerka sare ee ka qeybgalaysa shirkaas.
Labada Wasiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray xaaladda iyo horumarinta arrimaha haweenka ee labada dal, iyagoo si gaar ah uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada Wasaaradood ee dhinacyada horumarinta haweenka, daryeelka carruurta, xoojinta adeegyada bulshada, iyo kobcinta awoodda hay’adaha u adeegaya qoyska iyo bulshada.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay in labada Wasaaradood ay yeeshaan iskaashi joogto ah oo ku dhisan khibrad-wadaag, tababarro farsamo, iyo barnaamijyo wadajir ah oo lagu horumarinayo adeegyada loo fidiyo bulshada, gaar ahaan haweenka, carruurta iyo dadka nugul.
Gabagabadii kulanka, labada Wasiir waxay isku afgarteen in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta labada Wasaaradood, isla markaana la diyaariyo is-afgarad ku saabsan meelaha mudnaanta leh ee labada dhinac ay isaga kaashan karaan, oo ay ka mid yihiin horumarinta haweenka, ilaalinta iyo daryeelka carruurta, iyo horumarinta adeegyada bulshada sida khadka caawinta muwaadiniinta dhibaateysan.





