Abidjan – Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, ahna Lataliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa Soomaaliya ku matalay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika ee lagu qabtay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire.
Shirkan oo halkudhiggiisu ahaa “Sare u Qaadidda Kaalinta Afrika ee Dunida Isbeddelaysa”, ayaa isugu keenay hoggaamiyeyaasha dhaqaalaha, siyaasad-dejiyeyaasha iyo khubarada qaaradda si ay uga wada hadlaan mustaqbalka dhaqaalaha Afrika, kobcinta iskaashiga iyo horumarinta siyaasadaha dhaqaale ee wadajirka ah.
Intii uu shirku socday, waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Midowga Madaxda Dhaqaalaha Afrika (African Chief Economists Network), oo ah madal cusub oo mideynaysa madaxda hay’adaha dhaqaalaha ee dalalka Afrika. Madashan ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta iskaashiga, is-weydaarsiga aqoonta iyo waaya-aragnimada, iyo soo jeedinta talooyin siyaasadeed oo lagu taageerayo koboca, adkeysiga iyo horumarka dhaqaalaha dalalka Afrika.






