Cabudwaaq – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta deeq gargaar raashin ah gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, si loo yareeyo saameynta ay abaaraha iyo duruufaha nololeed ee adag ku yeesheen bulshada.
Gargaarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay SoDMA ku taageereyso bulshada nugul ee wajahaysa xaaladaha bani’aadannimo, iyadoo mudnaanta la siinayo qoysaska sida weyn ugu baahan taageerada. Maanta ayaa si rasmi ah loo daahfuray wajiga koowaad ee qeybinta gargaarka. Munaasabadda daahfurka iyo qeybinta gargaarka waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Raysal Qorane, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cabdiraxmaan Makaawi, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Cabudwaaq.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in gurmadkani uu qeyb ka yahay dadaallada lagu taageerayo qoysaska ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha bani’aadannimo, iyagoo xusay in la sii wadi doono gaarsiinta gargaarka bulshada u baahan.




