Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Dhuusamareeb kaga qeyb galay madal looga hadlay doorashada Galmudug

0

Dhuusamareeb – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb uga qeyb galay Madasha Maan-tashano oo masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka qeyb galeen.

 

Madasha ayaa la isku weydaarsaday aragtiyo ku saabsan habsami u socodka doorashada Galmudug, iyadoo masuuliyiinta iyo shacabka ka soo qeyb galay Madasha ay Wasiir Al-Cadaala su’aalo ka weydiiyeen hanaanka loo wajahayo doorashada Galmudug iyo si guud doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka socda.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa si qota dheer u faahfaahiyey sida Dowladda Federaalka ay uga go’antahay in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo xuquuqdooda dastuuriga ah, si madaxda hoggaamineysa ay u soo doortaan, iyadoo taas laga duulayana hadda la xaqiijiyey in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, 56 sano kadib.

May be an image of dais and text that says "MAAN TASHANO LEADERSHIP FORUM DOORASHADA JSP EE MUSHARAX LIBAN AHMED HASSAN MARTIDA: Wasiir Ku-xigeenka Wa mata, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane: Cabdir Yuusuf Al-Cadaala éeMusharax-nan Musharax 01 Wax ka Oaow Argativahai ivo 可疆新 IHU CITY STAR HOTEL เาพ 02 Wadajiro Den d 7:00pm-Hd"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here