Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha masjid weyn oo laga hirgelinayo Aqalka Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.
Masjidkan ayaa noqon doona goob muhiim u ah gudashada cibaadada waxaana loogu talagalay inay ka faa’iideystaan madaxda dowladda, shaqaalaha Madaxtooyada iyo dhammaan martida soo booqata xarunta Madaxtooyada.
Dhismaha masjidka ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ee lagu horumarinayo kaabeyaasha Aqalka Madaxtooyada, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo kobcinta adeegyada bulshada iyo xoojinta qiyamka diinta Islaamka. Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Gableed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tilmaamay in dhismaha masjidkan uu ka tarjumayo sida ay dowladdu uga go’an tahay dhiirrigelinta cibaadada, mideynta bulshada iyo dhismaha xarumo tayo leh oo u adeegaya shacabka.
Wasiirka magacaaban ee Wasaarada Warfaafinta ahna Wasiirkii Hore Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Nuur Siidow Baaba iyo wasiirka cusub Wasaarada Diinta Mudane Aadan Macalin Cabdiraxmaan ayaa soo dhaweeyey hirgelinta mashruucan muhiimka ah, iyagoona muujiyey rajada ay ka qabaan inuu noqdo goob lagu xoojiyo cibaadada, wacyigelinta iyo midnimada bulshada.




