Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in muddo saddex maalmood ah hoos loo dhigay Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib geerida ku timid Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al Thaani.
Go’aankan ayaa lagu fulinayaa amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo dhammaan hay’adaha dowladda lagu faray inay hoos u dhigaan calanka qaranka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay mid muujinaysa dareenka walaalnimo iyo garab istaagga ay la leedahay dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Dowladda Qatar, iyadoo la wadaagaysa murugada ka dhalatay geerida Amiirkii hore.
Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhow oo ku saleysan walaaltinimo iyo iskaashi dhinacyo badan leh, waxaana dowladda Soomaaliya ay mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal xilliyada farxadda iyo murugada labadaba.





