Ciidanka Danab oo howlgal ka fuliyay Sablaale, toddobo xubnood oo Al-Shabaab ka tirsan lagu dilay

0

Muqdisho – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo uu ku jiray horjooge la sheegay inuu door ku lahaa abaabulka maleeshiyaadka kooxda.

Sidoo kale, ciidamada Danab ayaa burburiyay laba xarumood oo Al-Shabaab u adeegsan jirtay tababarka maleeshiyaadka iyo faafinta fikradaha xagjirnimada, kuwaas oo sida lagu sheegay war-saxaafadeedka lagu marin-habaabin jiray dadka laguna dhiirrigelin jiray falalka argagixisanimo. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyagoo xusay inay beegsanayaan horjoogayaasha, maleeshiyaadka iyo xarumaha kooxda ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here