Wasiirka Qoyska oo Khudbad Ka Jeedisay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka ee Pakistan

0

islamabad – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, H.E. Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay Shirweynaha 9-aad ee Arrimaha Haweenka, kaas oo ka socda magaalada Islamabad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

 

Khudbaddeeda, Wasiirku waxay ugu horreyn Dowladda iyo shacabka Pakistan uga mahadcelisay martigelinta diirran iyo dadaalka muuqda ee ay ku bixiyeen qabsoomidda shirkan muhiimka ah. Waxay sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dalalka Islaamka iyo guud ahaan bulshada caalamka ee ku aaddan horumarinta haweenka, ilaalinta xuquuqul insaanka, iyo dhisidda bulshooyin loo dhan yahay.

Wasiir Khadiija ayaa ka warbixisay horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay kobcinta doorka haweenka, dhiirrigelinta ka-qaybgalkooda dhammaan heerarka go’aan-qaadashada, iyo hirgelinta siyaasado lagu xoojinayo sinnaanta, caddaaladda bulshada, iyo ilaalinta xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta.

Waxay si gaar ah u iftiimisay guulaha laga gaaray horumarinta xuquuqul insaanka, iyadoo tilmaantay in dhismaha iyo hawlgelinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka uu yahay tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta hay’adaha ilaalinaya xuquuqda aadanaha, adkaynta isla-xisaabtanka, iyo dhisidda dowladnimo ku saleysan caddaalad iyo sarreynta sharciga.

Wasiirku waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay in horumarinta haweenka ay muhiim u tahay nabadda, dowlad-dhiska, kobaca dhaqaalaha, iyo horumarka waara ee Soomaaliya. Waxay sheegtay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda, dhaqaalaha, hoggaanka bulshada, iyo dhammaan geeddi-socodyada horumarineed ee dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirku waxay xaqiijisay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo xuquuqda haweenka iyo xuquuqul insaanka, iyadoo adkaynaysa iskaashiga gobolka, kan dalalka Islaamka, iyo kan caalamiga ah si loo gaaro horumar waara iyo bulsho ay haweenku si buuxda uga qayb qaataan horumarka dalka.

May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here