Ciidamada Soomaaliya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Ku Heshiiyey Xoojinta Amniga Xuduudaha

0

Balanbale – Saraakiisha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaannada Galmudug iyo kuwa Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ku gaaray heshiis lagu xoojinayo amniga xuduudaha iyo iskaashiga labada dhinac.

 

Heshiiska ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta amniga, ka hortagga hubka sharci-darrada ah iyo la tacaalidda falalka amni-darrada ee ka dhaca deegaannada xuduudda. Madasha heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha NISA ee Qeybta Galmudug, Taliyaha CID ee Qeybta Galmudug, mas’uuliyiinta degmooyinka Guriceel iyo Balanbale, masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug iyo odayaasha dhaqanka.

Sida lagu sheegay warbixinta, heshiiskan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo amniga deegaannada xuduudda, oo mararka qaar ay ka dhacaan colaado sokeeye iyo dhaqdhaqaaqyo la xiriira hubka sharci-darrada ah.

Waxaa sidoo kale la xusay in Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, uu toddobaadyo ka hor degmada Balanbale ka bilaabay qorshe lagu soo afjarayo colaadaha sokeeye iyo joojinta isu-gudbinta hubka sharci-darrada ah, kaas oo hadda la sii xoojiyay. Saraakiisha ayaa sheegay inay dardar gelin doonaan hirgelinta heshiisyada nabadeed iyo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo amniga deegaannada xuduudda, si loo adkeeyo xasilloonida iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here