Lataliyaha Amniga Qaranka oo la kulmay Danjiraha Türkiye ee Soomaaliya

0

Muqdisho – Lataliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Jamhuuriyadda Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay iskaashiga joogtada ah ee lagu taageerayo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulanka ku caddeysay in ay mudnaan gaar ah siinayso sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Türkiye, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka. Türkiye ayaa ka mid ah dalalka sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here