Midowga Yurub oo cunaqabateyn cusub ku soo rogay ganacsiga dahabka ee Suudaan

0

SUDAN – Midowga Yurub (EU) ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo lagu beegsanayo ganacsiga dahabka ee Suudaan iyo kiimikooyinka loo adeegsado macdan qodista, iyadoo tallaabadan looga gol leeyahay in la yareeyo ilaha dhaqaale ee sii hurinaya colaadda dalkaasi.

 

Bayaan uu soo saaray Golaha Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in la mamnuucay iibsashada, soo dejinta iyo wareejinta dahabka ka yimaada Suudaan. Sidoo kale, waxaa la mamnuucay iibinta, dhoofinta iyo gaarsiinta kiimikooyinka meerkuriga (Mercury) iyo cyanide-ka oo si weyn loogu isticmaalo soo saarista dahabka.

Go’aanka cusub ayaa sidoo kale xaddidaya adeegyada la xiriira ganacsigaas, oo ay ku jiraan taageerada farsamada, adeegyada dilaaliinta iyo maalgelinta dhaqaale ee la xiriirta badeecadaha la mamnuucay. Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in dahabku noqday isha ugu weyn ee dhaqaale ee lagu maalgeliyo dagaalka ka socda Suudaan, isla markaana xannibaaddan ay yareyn doonto awoodda dhaqaale ee dhinacyada lagu eedeeyo inay sii hurinayaan colaadda.

“Dahabku wuxuu noqday isha ugu muhiimsan ee dakhliga lagu maalgeliyo dagaalka Suudaan. Xaddidaadda ganacsiga dahabka iyo helitaanka kiimikooyinka macdanta ayaa hoos u dhigi doonta ilaha dhaqaale ee kooxaha sii wada rabshadaha,” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Midowga Yurub. Suudaan ayaa ku jirtay dagaal tan iyo bishii Abriil 2023, kadib markii uu qarxay iska horimaad u dhexeeya Ciidanka Qaranka Suudaan iyo  (RSF), kaas oo salka ku haya muran la xiriira qorshaha lagu mideynayay labada ciidan.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay colaadda Suudaan mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran dunida, iyadoo tobannaan kun oo qof ay ku dhinteen, malaayiin kalena ay ku barakaceen gudaha iyo dibadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here