Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Ka Qayb Galay Madal Heer Gobol ah oo Looga Hadlay Maalgashiga Caafimaadka

0

Nouakchott – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa magaalada Nouakchott ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania kaga qayb galay madal heer gobol ah oo looga hadlayay maalgashiga caafimaadka.

 

Madasha ayaa waxaa isugu yimid wasiirrada caafimaadka ee dalalka gobolka, hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaasha maalgashiga caafimaadka, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, kordhinta maalgashiga caafimaadka iyo dhismaha nidaamyo caafimaad oo adkaysi leh. Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay dood heer wasiir ah oo ku saabsan iskaashiga dalalka Koonfurta (South-South Cooperation), ku soo bandhigay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habaynta iyo horumarinta nidaamka caafimaadka dalka.

Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga gobolka, horumarinta wax-soo-saarka dawooyinka iyo maalgelinta waarta, si loo xoojiyo adeegyada caafimaadka loona xaqiijiyo helitaanka daryeel caafimaad oo loo siman yahay.

Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Algeria iyo Mauritania, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Jeego), iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah iyo kan gobolka, si kor loogu qaado maalgashiga caafimaadka dalka loona horumariyo adeegyada caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.May be an image of ‎dais and ‎text that says "‎القمطميي الموهاء JSmall ت٥.:٥ المنتدى لإقليمي للاستثمار في قطاع الصحة นย تعزيز التجارة وا الاستثمار البيني داخل منظمة التعاون الإسلامي في قطاع الصناعات الدوانية من سفرا تيجية إلى العمل Afrik Financial ロ .m က اهي خوروامیالموعد 96ัฒ 2026 ริษบ ਪ‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here