BAYDHABO – Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray is-xogwareysi, is-dhaafsiga waayo-aragnimada maamulka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadajirka, wada-shaqeynta iyo horumarinta hay’adaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey Golaha Xukuumaddii hore doorkii ay ka soo qaateen dhismaha iyo horumarinta dowladnimada Koonfur Galbeed, isagoo xusay in dowladdu ay ka faa’iideysan doonto khibradaha iyo talooyinka masuuliyiinta hore si loo dardargeliyo adeegyada bulshada iyo horumarka guud ee Dowlad Goboleedka.
Xubnihii golaha xukuumaddii hore ayaa bogaadiyey hoggaanka cusub, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay inay la shaqeeyaan Maamulka Koonfur Galbeed, kana qeyb qaataan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada bulshada iyo horumarka deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.




