Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo booqatay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

0

Islaamabad – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa  booqasho rasmi ah ku tagtay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Islamabad, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Safiirka Soomaaliya ee Pakistan, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyo dhammaan hawlwadeennada Safaaradda.

 

Booqashadan ayaa ahayd mid xambaarsan qiimo iyo xusuus gaar ah, maadaama Wasiir Khadiija ay muddo lix sano ah soo ahayd Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Pakistan. Intii ay xilkaas haysay, waxay hormuud ka ahayd xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo hirgelinta guulo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid ahayd dhismaha xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan.

Intii ay booqashada ku jirtay, Wasiirku waxay warbixin ka dhegeysatay Safiirka iyo masuuliyiinta Safaaradda oo ku saabsan howlaha socda, adeegyada la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Pakistan. Sidoo kale, waxay bogaadisay shaqada ay hayaan madaxda iyo shaqaalaha Safaaradda, iyada oo ku dhiirrigelisay inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda ku aaddan u adeegidda qaranka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ugu dambeyn muujisay farxaddeeda ku aaddan dib ugu soo laabashada xaruntii ay muddo dheer hoggaaminaysay, iyadoo xustay in Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan ay leedahay kaalmo iyo xusuus gaar ah oo ku suntan safarkeeda diblomaasiyadeed. Waxay sidoo kale uga mahadcelisay Safiirka Soomaaliya ee Pakistan, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyo dhammaan hawlwadeennada Safaaradda soo dhaweyntii diirraneyd iyo sida hufan ee ay uga warbixiyeen horumarka iyo howlaha ay Safaaraddu maanta waddo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here