Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday gogosha tacsida Imaam Maxamed Yuusuf Cali

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqday hoyga ay taallay gogosha tacsida Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, halkaas oo uu ku saxiixay buugga tacsida ee loo furay marxuumka.

 

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ula wadaagay qoyska, ehellada iyo dhammaan dadkii uu ka baxay marxuumka dareenka murugada iyo tiiraanyada leh ee ka dhashay geeridiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryay Imaam Maxamed Yuusuf Cali inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.May be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here