Muqdisho – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta saxiixay buugga tacsida ee Safaaradda Dowladda Qatar ay ka furtay Muqdisho, isagoo uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Alle ha u naxariistee Sheekh Xamad Bin Khaliifa Al Thaani.
Wasiirka ayaa tacsi u diray Amiirka Dowladda Qatar, qoyska boqortooyada, shacabka Qatar, Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya iyo dhammaan hawlwadeennada Safaaradda, isagoo Alle uga baryay marxuumka inuu naxariistiisa Jannatul Firdowsa ka waraabiyo.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa Safaaradda ku wargeliyay in Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo fulinaysa amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ay wax ka beddeshay jadwalka Warbaahinta Qaranka si loogu asteeyo baroor-diiq iyo duco loo sameynayo Amiirkii hore ee Dowladda Qatar.




