MUQDISHO, Luulyo 20 – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay dileen sagaal xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, oo uu ku jiro horjooge hoggaaminayay kooxda, kaddib hawlgal qorshaysan oo laga fuliyey gobolka Shabeellaha Hoose.
Sida uu sheegay Taliska Kumaandooska Danab, hawlgalku wuxuu ka dhacay deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidamada ay ku bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo halkaasi ku dhuumaalaysanayay.
Intii uu socday hawlgalku, ciidamada ayaa dilay sagaal dagaalyahan oo ka tirsan kooxda, kuwaas oo ay ku jireen maleeshiyaad iyo horjoogihii hoggaaminayay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen ciidamada.
Taliska Danab ayaa sheegay in hawlgalku uu qayb ka ahaa howlgallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, laguna beegsanayo xubnaha kooxda ee ku dhuumaalaysata deegaannada kala duwan.
Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo xusay in Kumaandooska Danab ay awood u leeyihiin inay gaaraan goob kasta oo ay kooxda isku daydo inay ku samaysato saldhigyo ama dhuumaalaysi.
Taliska ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in howlgalladu ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro khatarta Al-Shabaab, isagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.
Ciidanka Danab oo ah cutub si gaar ah loo tababaray, ayaa door muhiim ah ka qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo fuliyay howlgallo badan oo lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay xoojisay howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay beegsanayaan dagaalyahannada, hoggaanka iyo shabakadaha taageera kooxda.



